Laacibkii hore ee caanka ku ahaa ciyaarta kubbada Koleyga Soomaaliya Eng. Baana Cabdalla Cali ayaa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska, kadib markii uu soo ritay cudurka Covid-19.
Allaha u naxariistee Marxuum Baana ayaa ka mid ahaa madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London, wuxuuna ahaa qof caafimaad qaba oo aan qabin cudurro kale, waxaana uu geeriyooday xalay markii maalmo dhowr ah uuc cudurkan la xanuunsanayey.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa tacsi u dirtay qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday eng. Baana Cali.
Ciyaaryahankan hore ayaa ka mid ka noqonaya Soomaali badan oo Coronavirus ugu geeriyootay dalka ingiriiska.