Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ee sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa saakay howlgalo kala duwan ka wada Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Howhalka ka socda Balad-xaawo ayaa Saraakiisha Ciidanka dowladda waxay ku sheegeen inuu yahay mid looga hortego waxyaabaha degmadaas ka soo galaya dhanka Xuduudka Kenya.
Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa waxay sheegeen in howlgalka ay ku doonayan inay uga hortegaan in Balad-xaawo Qaadka looga keeno dalka Kenya iyo waxyaabaha kale ee maandooriyaha ah.
Ciidamo fara badan ayay horay u gaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo, iyagoo halkaas ka sameeyay howlgalo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga.
Dhanka kale Dowladda ayaa joojisay qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus oo ka jira dalkaas, isla markaana uu Cudurka soo ritay dad badan oo ku sugan halkaas.