Ciidamo ka tirsan militariga soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan Al-shabaab waxay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose.
Howlgalada ayaa waxaa ay ka socdaan duleedka magaalada Marka iyo deegaanka Janaale tuulooyin hoos taga, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan militariga soomsaliya ayaa sheegay inta ay howlgalka ay ku jireen ay burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka shabeellada Hoose.
Dhanka kale Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibeen Ciidamada xoogga, iyadoo Bisha Ramadaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.