Bheki Cele, Wasiirka Booliska ee South Africa, ayaa raalligelin ka siiyey Muslimiinta, Hadalkii axmaqnimada ahaa ee uu Sarkaal Boolis ah ku yiri “Ma MAXAMED, ayaa ka weyn Madaxweynaha”, xilli uu si cod dheer ah oo cagajugleyn ah ula hadlayey Muslimiin ku Cibaadaysanayey gudaha Masjidka.
Mr Cele, ayaa Muslimiinta Caalamka gaar ahaan kuwa Koonfur Afrika, ugu qalbi qaboojiyey inuu socdo Baaritaan adag oo ka dhan ah Sarkaalkaasi, ayna aad uga xumaadeen meel ka dhaca iyo gefka uu sameeyey Sarkaalkaasi.
Muslimiinta oo dhan ayaa aad uga carooday Aflagaadada cad ee loo gaystay NABIGEENA MUHAMMAD (NNKH), iyagoo sheegay inaysan ka hari doonin Dowladdana ka dalbaday in Tallaabo~Ciqaabeed ficil ah laga qaado Shaqsigii Bani’aadamka kale la simay Kheyru