Post View....

Booliiska Hir-Shabeelle oo howlgal ay dad kusoo qabteen ka sameeyay Jowhar.

0
67

Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa baaris ay ka sameeyay Xarunta Maamulkaas ee Jowhar waxa ay kusoo qabteen dhalinyaro ay ku tuhmayaan qarax ka dhacay gelinkii dambe ee shalay.

Sida Mustaqbal ay u sheegeen dadka Degmada Jowhar, ciidamada ayaa xalay fiidkii ilaa gelinkii hore ee saakay howlgal ka waday Xaafado katirsan Magaalada, waxaana ay xirteen jidadka xaafadaha baarista ay kawadeen.

Goob fagaare ah ayay isugu geeyeen dhalinyarada, baaris kooban kadib waxa ay wateen shaqsiyaadka ay tuhmeen, waxaana howlgalka hoggaaminaya saraakiisha Booliiska Degmada Jowhar.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Mustaqbal u sheegay in Magaalada Jowhar oo xasilooneed muddooyinkii dambe, ciidamada ammaanka ay dib u bilaabeen baarista shaqsiyaadka ku howlan falalka amniga liddiga ku ah.

Qarax miino oo ka dhacay Degmada Jowhar waxa uu sababay dhimashada qof shacab ah iyo dhaawaca afar kale oo uu ku jiro Xildhibaan Sakiriye Muumin Hilowle oo katirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

 

About Author