Post View....

Booliiska Addis Ababa waxa ay qabteen Hub iyo dharka Ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Bakhaar lagu xareeyay.

0
58

Taliska Booliiska Ismaamulka Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub iyo dhar ciidan oo isugu jira Booliis iyo Militari, isla markaana labiska Booliiska ay ku buufsan yihiin (Somali Police).

Howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen Ciidamada ammaanka waxa ay kusoo qabteen hubkaan iyo dharka ciidanka oo lagu hayay bakhaar ay kireysatay Haweeney, iyada oo milkiilaha u sheegtay in ay ku keydsano Kabo ay iibiso.

Hubka waxaa kamid ah Bambo Gacmeed, Bastoolad iyo in ka badan 250 rasaas oo isugu jirta tan loo adeegsado bastooladda iyo qoryaha fud-fudud sida ka muuqaata sawirrada booliiska ay soo bandhigeen.

Dharka la qabtay waa kuwa ay adeegsadaan Ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida, Talisku ma faah-faahin sida ay ku gaareen Bakhaarka, balse waxa ay tilmaameen in ay xireen Shan ruux oo middood ah haweeneyda kireysay Goobta lagu qabtay.

Taliyaha booliiska Degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa Kebede Asafa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Laamaha ammaanka oo kaashanaya xogo shacabka ay ku gacansiiyeen in ay u sahashay gacan ku dhigista hubka iyo dharka ciidan.

Sidoo kale Ciidamada waxa ay gacanta ku dhigeen Dharka Ciidanka Militariga, Astaamaha Booliiska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran, Koofiyadaha, Sumadaha Ciidanka, Katiinadaha loo yaqaan Jeebada iyo qalab kale.

Itoobiya waxa ay kaalmaha sare uga jirtaa dalalka aad u xadido hubka sharci darrada ah iyo in dharka ciidamada uu gacanta u galo shacabka, waxaana ciqaab adag la mariyaa shaqsiyaadka ku dhiirada arrintaan.

Sanadkaan waa markii labaad oo Itoobiya ay qabtaan hub si sharci darro ah uga jiray gacmo aan ahayn kuwa Dowladda, waxaana 11-kii Bishii tagtay Maarso ay qabteen hub ku jiray Kunteenaro, kana soo degay Dekedda Jabuuti.

Isbadalka uu hormuudka u yahay Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa lagu sheegaa in uu sahlay waxyaabo badan oo gacan adag ku jiray, waxaana arrintaas dadka siyaasiyiinta ee Itoobiyaanka ah ku tilmaameen dabacsanaan siyaasadeed.

 

About Author