Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay korartay tirada dadka qaba cudurka dilaaga ah ee Covid-19 waxaana Muqdisho oo kaliya la xaqiijiyay inuu ku dhacay 5 qof, halka markii hore ay aheyd 3 qof.
Sidoo kale wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ilaa hadda ay diiwaan geliyeen 2 qof oo qaba caabuqa Coronavirus, sidoo kale tobaneeyo dad ah loo karantiilay shaki laga qabo.
Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay dhamaan waxbarashadii dalka iyo goobihii ay isugu imaan jireen bulshada Muqdisho sababo la xariira Covid-19. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa joojisay dhamaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa todobaadkaan sheegay in qaadayaan talaabooyin kale oo lagu xakameynayo faafid cudurkan waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay ku nagaadaan guryahooda.
Kaliya ma ahan Soomaaliya ee cudurkaan waxa uu saameeyay adduunka oo dhan waxa uuna dib u dhigay doorashooyin badan oo dhici lahaa qaarkood. Wadamada baajiyay doorashooyinkaas waxaa ku jira kuwa afrikaan ah.
Dowladda Itoobiya ayaa dib u dhigtay doorashooyinka ee dalka oo ku beegneyd dhamaadka sanadkaan waxayna guddigu doorashooyinka sheegeen in aan la qaban doonin ilaa amar dambe.
Dowladda Uganda oo aan wali gaarin cudurkaan ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashadii dalkaas oo dhici laheyd sanadka 2022, oo ah laba sano kadib xiliga hadda la joogo.
Hadaba doorashoyinka Soomaaliya oo ku beegan lix bil kadib ma qabsoomi karaan mise waxaa dhici karta in dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u dhigto doorashada.
Sababaha keeni kara dib u dhaca.
Waxyaabaha ugu waa weyn ee keeni kara dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya waxaa lagu sheegaa saddex qodob oo kala ah.
1 – Doorashada oo dhiman muddo kooban iyo dalka oo ku jiro xaalad culus oo ka dhalatay cudurka Coronavirus, waxaana sharciga doorashooyinka qeyb ka ah in doorashooyinka loo baajin karo musiibooyinka ay kamid tahay cudurada faafa.
2 – Dowladda Soomaaliya, madax maamul gobaleedyada iyo mucaaradka oo aan ilaa hadda marna kawada fariisan doorashada dalka lana ogeyn nuuca doorasho oo la qaban doono iyadoo ay usii dheertahay amni darrada dalka waxaa arrimahaan oo dhan la sheegaa in ay sababi karaan dib u dhac maadaama uu waqtiga dhamaad joogo walina aan nuuc doorasho lagu heshiinin.
3 – Madax dowladda Soomaaliya oo doonaya dib u dhaca doorashada islamarkaana raadinaya wax kasta oo dib u dhigi kara doorashada waxaana laga yaabaa in ay fursad u arkaan cudurkaan halista ah hadii ay kiisaska siibataan.
Dhinaca kale waxaa jira qodobo kale oo diidaya dib u dhac.
Waxyaabaha ugu waa weyn oo ay dowladda Soomaaliya ilaa hadda aysan ugu dhiiran dib u dhaca doorashada waxaa kamid ah.
1 – Soomaaliya ma ahan dal ay ka jirto xasilooni iyo dowlad dalka oo dhan ka talisa go’aanna ka gaari karta aayaha umadda, waxaana dhici karta in go’aankii ay qaataan uu kala qeybiyo bulshada iyo dalka.
2 – In nidaamka maamul iyo midda doorasho ee Soomaaliya ayaa saameen balaaran ku leeyihiin beesha caalamka oo taageerta Soomaaliya islamarkaana aan ogoleen muddo korarsi.
3 – Iyo in haddii ay dowladda federaalka dib u dhig ku sameyso doorashooyinka dalka ay mucaaradka abuuri karaan xasilooni darro dalkana uu wajihi karo amni darro iyo burbur dowladeed.
Covid-19 hadda ma gaarsiisna xaalad dib loogu dhigo doorashooyinka baarlamaanka iyo mida madaxtooyada oo ku aadan dhamaadka sanadkaan iyo billowga sanadka kale, hase yeeshee waa cudur halis ku ah aduunka waxaana ku rafaadsan dowlado waa weyn waxaana Soomaaliya looga baahan yahay taxadar iyo go’aano adag oo lagu xakameen karo faafid cudurkaan.
Hadaba ma kula tahay in cudurkaan uu noqon karo marmasiiyaha Xukuumadda Soomaaliya oo hore loogu eedeeyay in ay damacsan tahay muddo korarsi oo ay dib u dhigi doonto doorashooyinka dalka mise waxay kula tahay in aysan dib u dhigi doonin waqtiga doorashooyinka dalka?
Â