Post View....

Maamulka Gobolka Bari oo Ganacsatada uga digay qiimo kordhinta Maciishadda.

0
63

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed oo Warbaahinta la hadlay waxa uu Ganacsatada uga digay in ay qiimo kordhin ku sameeyaan, iyaga oo ka faaiideysanaya xaaladda la xiriirta Coronavirus.

Cabdisamad waxa sheegay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa ganacsi, sidaas awgeed ganacsatada uu ugu digayo in ay qiimo kordhin ku sameeyaan maciishadda kala duwan oo ay ka iibiyaan Bulshada.

“Waxaa la hakiyay canshuurta laga qaado ganacsatada, heshiiskii Guddiga dhaqaalaha ee wacyigelinta covid-19 iyo Ganacsatada waxa uu dhigayay in aan dadka lagu kicin qiimaha Maciishadda, sidaas awgeed ganacsadihii jebiyo amarkaan ama shirkaddii lagu ogaado iyada oo ka faaiideysaneyso duruufaha xayiradda waxa aan ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Qiimo kororka maciishadda waxa uu ku yimid Rootiga, Barafka iyo waxyaabaha yar yar ee sida maalinlaha ah ay dadka u iibsadaan, waxaana sabab looga dhigay Bandowga Habeenkii ee saaran deegaanada maamulkaas, maadaama xiliyada la sameeyo.

“Dad ayaa ina soo wacay, waxa ay inoo sheegeen in qiimo kordhin lagu sameeyay Rootiga iyo Baraf, waxaa sidoo kale jira waxyaabo kale oo sare loo qaaday qiimaha la iibiyo, waxa aan leenahay ganacsatada joojiyay, haddii kale tallaabo ayaan idinka qaadeynaa” ayuu sii raaciyay Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaanka Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Deegaanada Puntland waxaa 1-dii bishana ka dhaqan galay Bandow bilaabanaya 6:00 PM (Maqribkii) kuna eg 5:00 AM (Aroornimo), sababtu waxa ay maamulka ku sheegeen sugidda ammaanka iyo kahor tagga faafidda Fayruska Corona.

 

About Author