Hay’adda Amnesty International ayaa soo dhoweysay warbixinta taliska Maraykanka AFRICOM ee qirashada in laba qof oo rayid ah oo Soomaali ah lagu dilay saddex kalena lagu dhaawacay duqeyn xagga cirka ah oo sanadkii hore dhacday Soomaaliya.
Hay’adda ayaa sheegtay in warbixintaan rasmiga ah ee qiraysa doorka AFRICOM ee ku aaddan dhibaatooyinka rayidka inay tahay iftiinka daah furnaanta in ka badan toban sano oo hawlgallada millatari ka socdeen Soomaaliya.
Amnest waxay sheegtay in loo baahan yahay inay jirto isla xisaabtan iyo magdhawga dhibbanayaasha iyo qoysaskooda Soomaaliyeed ee waxyeelada ay gaarsiiyiin ciidanka Maraykanka ee ka howlgala qaarada Afrika.
Millatariga Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in aysan weli la xiriirin oo aysan siin wax magdhaw ah qoys kasta oo rayid ah oo ay qirteen inay dileen sida ku cad warbixinta Amnest.
“Waa tallaabo wanaagsan in AFRICOM ay siiso qoysaska murugaysan fursad ay ku soo sheegaan dhibatooyinka rayidka iyaga oo adeegsanaya websaydkooda”ayaa lagu yiri warbixinta.
“waa in la helaa habab kale, oo ay ka mid tahay in laga sameeyo magaalada Muqdisho qaab loogu oggolaado odayaasha qabaa’ilka ama wakiillo la soo doortay in ay ku hadlaan magaca dadka rayidka ah ee ay dileen kuwa duqeynta u geystey, si looga wada hadlo magdhowga qoysaska dhibbanayaasha.” Ayaa lagu yiri warbixinta Amnest.
Dhanka kale Taliska Maraykanka ee Qaarada Afrika ayaa dhawaan shaaciyay inay gudaha Soomaaliya ay ku dileen dad rayid ah in ay socotay weeraro dhanka cirka ah oo la beegsadeen saldhigyo ay leeyihiin Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya.