Post View....

Ammaanka Baydhabo Oo La Adkeeyey & Doorasho Ka Dhaceysa

0
68

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu wadaa inay Maanta ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,iyada oo shalay ay khudbadahooda jeediyeen musharixiinta.

Ilaa Shan Musharax ayaa ku tartami doona xilka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed,kuwaas oo ku kala tartami doonaan laba u taagan xilka Guddoomiyaha,laba u tartameysa xilka guddoomiye kuxigeenka iyo mid u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka labaad.

Magaalada Baydhabo ayaa aad looga daremayaa doorashada Maanta,waxaana aad loo adkeeyey amniga Guud ee Magaalada sigaar ah halka ay ka dhaceyso doorashada oo ah Xarunta Baarlamaanka.

Musharixiinta Maanta ku tartami doonta xilalka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

1: Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

2: Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo doonaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

1: Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed oo u taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

2: Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u tartami doona xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

1: Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Dad badan ayaa u saadaalinaya in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ku guuleeysan kara Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ahan musharaxa uga cadcad.

 

About Author