Post View....

XOG: Wada hadalo Nairobi uga socda Axmed Madoobe, C/rashiid Xidig iyo Seeraar

0
77

Wada hadalo u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubnaha Mucaaradka ku ahaa Maamulkiisa ee Golaha Is bedel doonka Jubbaland ayaa wada hadalo uga socda magaalada Nairobi.

Sida wararku sheegayaan wada hadaladan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, C/rashiid Xidig, C/naasir Seeraar iyo Sheekh Daahir oo ka mid ahaa xubnaha ugu weyn ee mucaaradka.

Xog ay heshay Badweyn ayaa sheegaya in labadii maalin ee la soo dhaafayay labada dhinac yeesheen wada hadalo bilow u ahaa xal ka gaarista khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac ay isu soo dhowaansho bilow ah muujiyeen, iyagoo isku fahmay in la heshiiyo lana wada shaqeeyo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wada hadalada ay sii socdaan, illaa ugu dambeyn laga gaaro heshiis rasmi ah, waxaana la saadaalinayaa in ugu dambeyn todobaadka soo socda ay dhici karto in war murtiyeed laga soo saaro wada hadalada, haddii qodobada dhiman ee wada hadalka ka leeyihiin la isku afgarto.

Bishii Agosto ee sanadkii hore Dib u doorashadii Axmed Madoobe ayaa mucaaradada ugu weyn ee uu gudaha kala kulmay waxay ahaayeen C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar, kuwaasoo iyana si iskood ah Kismaayo ugu dhawaaqay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in haddii Axmed Madoobe xalliyo khilaafka gudaha ee maamulkiisa ay meesha ka bixi karto isku dayga dowladda Madaxweyne Farmaajo u yeelan karto inay soo dhex marto xubnaha mucaaradka ee Kismaayo ku sugnaa.

 

About Author