Post View....

Vedio:Puntland Oo Soo Rogtey Amaro Horleh Si looga hortago Cudurka COVID19.

0
81

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland cabdi samad Maxamed Galan ayaa faah faahin waxaa uu ka bixiyey amaro ay soo saareen oo ku saabsan sida looga hortegi karo Cudurka coronavirus oo Saddex kiis oo kamid ah laga helay Soomaaliya.

Wasiirka waxaa uu sheegay in dhamaan deegaannada Maamulka Puntland uu dhaqangalayo amarkii bandowga ahaa oo ay horey u soo saareen Madaxda Puntland oo soconaya muddo 15 Cisho ah.

Waxaa uu sheegay in laga mamnuucey Magalooyinka Puntland isticmaalka Gawaarida dadweynaha,hayeeshee kaliya la fasaxay Gawaarida sida,raashinka iyo Xoolaha.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhamaan Puntland ay xirtey Xaduudaheeda iyo in an laga soo geli karin,Badda Beriga iyo Hawada intabada cid allaala ciddii ana fulin amarkana ay tallaabo ka qaadi doonaan.