Dalkeennu waxa uu wajahayaa mid ka mid ah marxalidii ugu adkaa ee soo mara in muddo ah.
Xanuunka dunida oo dhan ku baahay ee COVID-19 waxa uu saameyn taban oo xoog leh ku yeeshay dhaqaalihii dalka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba.
Waxaa aad hoos ugu dhacay dhaqaalihii ay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha jira u soo diri jireen ehelkooda dalka jooga, markii ay qurbejoogteennii guryaha ku xaroodeen shaqooyinkiina ka hakadeen xanuunkan dartii.
Dowladihii dalkeenna caawimaadda siin jiray, iyaguna tooda ayay la tacalayaan oo waxaa saameeyay COVID-19, umana badna in ay xilliga dhow caawimaad weyn noo geysan karaan.
Daadadka ku dhuftay Qardho, fatahaadda webiga Jubba ee ka bilaabatay Degmada Baardheere iyo cabsida laga qabo inay fatahaado sameeyaan webiyada Jubba iyo Shabeelle waxay horseedayaan xaalado bani’aadminimo oo hor leh.
Culeysyadaas oo lagu daray, kala irdhowga siyaasadeed ee dalka ka jira iyo u heellanaan la’aanta in wax la isu doono, waxaa ay dhalineysaa walaac xoog leh iyo maalmo adag oo nagu soo fool leh.
Tani waxay qof walba iyo qoys walba oo Soomaaliyeed saareysaa mas’uuliyad dheeri ah iyo in aan bulsho ahaan is taakuleyno, si gaar ahna loo ogaado dadka nugul ee ay ku adagtahay inay quutulyowmka helaan.
Allaha weyn ayaan ka baryayaa in uu dadkeenna u sakhiro marxadda adag ee uu ku jiro.