Kooxo hubeysnaa ayaa xalay magaaladda Muqdisho ku dilay sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir,gaar ahaan Xaafadda Jaamacadaha ah.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Nuur Maxamed Kaahiye (Nuur Gaab),wuxuuna ka Tirsanaa Booliska Soomaaliya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal,dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay sarkaalka xili uu kasoo baxay Masaajid Salaadda Maqrib,wuxuuna ku geeriyooday isla goobta.
Ciidamada Booliska ee Degmada Hodan oo gaaray xaafadda Zone K ayaa waxay ka sameeyeen hawlgal lagu qabtay tiro dhalinyaro ah.
Waa dilkii Labaad ee magaaladda muqdisho ka dhaca Bishaan Ramadaan,xili habeen hore nin ganacsade ahaa lagu dilay Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.