Al-Shabaab oo fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galgaduud waxay ku toogteen Saddex Ruux oo ay ku eedeeyeen inay Mareykanka kala Shaqeeyeen duqeymo uu la beegsaday Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saddexdaas Ruux oo ay toogteen Al-Shabaab ayaa isugu jiray laba Dhalinyaro ah iyo Nin Oday ahaa,kuwaas Magacyadoodu kala yihiin;-
1: Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 sana jir ahaa, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu la Shaqeynayay diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.
3: Bashiir Maxamuud dhagool oo 22 sana jir ahaa oo ay ku eedeeyeen inuu mas’uul ka ahaa duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
3: Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo 50 sana jir ahaa,waxaana ay sheegeen in uu la Shaqeynayay Diyaaradaha duqeymaha fuliya ee Mareykanka iyo Maamulka Hir-Shabeelle.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale meelo badan oo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya fagaarayaal ku yaalla waxay ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka.