Wararka laga helayo deegaano duleedka Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dad hal qoys ka wada tirsanaa ay dhinteen kadib markii ay biriq ku dhacday Hoygii ay deganaayeen.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa roob xoogan waxaa uu ka da’ayay Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoostaga,waxaana Shan Qof oo isku qoys ahaa ay ku geeriyoodeen Biriq ku dhacday Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Innamid oo 35-km jahada Barri kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Qoyska Biriqda ku dhacdey Gurigooda ayaa waxaa ay ka koobnaayeen 7 Ruux,waxaana Shanta qof ee Biriqda ku dhintay ay kala ahaayeen Afar Carruur ah iyo Hooyadood halka uu dhaawacmey qof kale oo Carruurta kamid ahaa mid kalena la la’yahay.
Qaar kamid ah dadka deriska la ah qoyskaas biriqda ku dhacday Gurigooda ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga naxeen musiibada ku dhacday dadkaas,iyaga oo gurmad u sameeyey qoyska si loo helo halka qof ee maqan.
Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanka ay Biriqda ku dhacday ay booqdaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug si ay u kuurgalaan xaalada dadka ku nool deegaankaas ulana kulmaan Ehalada qoyska dhibaatada gaartay.