Post View....

XOG:Lacagtii Ugu Badneyd Oo Baydhabo la geeyey & Qorshaha Villa Soomaaliya

0
63

Dawlada Soomaaliya ayaa dhaqaale badan waxay udaabushay Magaalada Baydhabo Janaay,warar dheeraad ah ayaana soo baxaya.

Lacagtaan ayaa loogu talo galay in lagu soo saaro Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo doorashadiisa hadda la isku diyaarinayo.

Danjire Cali Siciid Fiqi oo ah Gudoomiyaha Loo saadaalinayo Xilkaan ayaa la sheegay in hadal jeedintiisii Maanta Murashaxnimadiisa ka sokoow uu muujiyey inuu heysto kalsooni badan.

Doorashada ayaa berri dhaceysa waxaana Dawladu ay ka go’an tahay inay soo saarato Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Labaad KGS oo Danjire Cali Siciid Fiqi.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in Dawladu Gaadiid nuuca aan xabada karin ugu diyaarisey Gudoomiyahaan lasii ogaaday inuu guuleysan karo,si la mid ah Dr Maxamed Nuur Gacal oo dhawaan kusoo baxay Doorashadii Baarlamaanka Galmudug.

Nabad iyo Nolol ayaa ku dedaaleysa soo laabashada Xukunka Madaxweyne Farmaajo,taas oo Xildhibaanada Qaranka Imaan doona ay kasii baaraan dageyso oo Deegaanada Maamul Gobolleedyada ay sii geysaneyso shakhsiyaad iyada matela.

About Author