Post View....

KASHIFAAD: Axmed Madoobe Oo Hal Arin Ka Dalbaday Seeraar & C.rashiid Xiddig

0
60

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa waxa uu kusugan yahay Magaalada Nairobi Ee Caasimada Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Hogaanka Golaha Isbadel doonka Jubbaland,oo muddo bil ku dhaw kusugan Nairobi.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig,C/naasir Seeraar Maxamed iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi ayaa waxay Axmed Madoobe ka dalbadeen inay dib udhacdo Doorasho Xor iyo Xalaal ah.

Waxa uu Axmed Islaam Madoobe,sheegay in uu diyaar u yahay wada hadal balse aysan raali ka aheyn in Doorashada dib loogu celiyo.

Ilo ka ag dhawaa Shirkaas waxay inoo sheegeen in Sawirro iyo Warbixino cadeyn u ah Kualnkaas in laga qaado,waxaana loo ballamay Kulamo Kale oo dhinacyadaas ay yeeshaan.

About Author