Post View....

Dhacdo Xanuun Leh: Gabar 7 Jir Ah Oo Gal gaduud 8 Wiil Ay Ku Kufsadeen

0
58

Ciidamada Booliska Galmudug ee ka howlgala Gobalka Ga lgaduud ayaa ku guuleeystay inay gacanta kusoo dhigaan 8 qof oo la sheegay in ay kufsi ka geysteen degmada Balanbale.

Kufsiga ayaa waxaa loo geystay Gabar 7 sano jir ah, waxaaana lagu magacaabaa Fartuun Galad Shiikh , Gabadhaan waxaa kufsiga ugeystay 8 qof, oo labo ka mid ah ay yihiin Qaan gaar, halka inta kalana aysan weli Qaan gaar noqon, sida ay sheegeen laamaha amaanka ee degmada Balanbale Ee Gobolka Gal gaduud.

Maanta ayaa lagu wadaa in xukuno lagu rido labo ka mid ah dhalin yarada kufsiga u geystay Fartuun Galad Shiikh Cabdullaahi.

Degmada Balanbale ayaa haatan waxaa ka soconaya dhageysi kiiska dacwada loo haysto dhalin yarada kufsiga u geystay gabadha.

Fartuun Galad Shiikh Cabdullaahi oo Ah Gabadha kufsiga loo geystay ayaa waxaa lagu baxnaaninayey maalmihii dambe mid ka mid ah isbitaalada ku yaala degmada Balanbale.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Baak ee hoostaga degmada Balanbale ay Ciidamada Xoogga kusoo qabteen nin Haween Xaamilo Aheyd ku kufsaday deegaankaasi.

About Author