Post View....

Xog wadaag Guud:-Ooyintu Orgiga ka weeyn.

0
69

Maanta Xarameynkii Laguma tukan, Masaajidii kalena Qofkii galo waa la bacaarinaa, ( F.V :1aad).

Corono Virus ma dilo badanaa Caruurta Da’doodu ka yartahay 6 Saano. Caruurtaan Muslimiinta ah waxaa ey ku dhinteen duqeeynta Dayaaradaha isbaheysiga Syria. ( F.S:2, 3 &4aad)

Ma arkin cid wax iska warsee, karaama dilka Islaamka lagu hayo iyo in Culumadii Masaajidda hortooda ey ku karbaashaan kuwo aan Muslim aheeyn, laguna eedeeyo dhibaatada Mr.Corono. (F.S:5aad)

in Caruur Muslimiin ah ey Dowlada waaweyn ey xasuuqaan oo aan la is warsan, haddii hal cunug oo saqiira Dalkooda lagu dilana Xuquuqul insaanku xuurtoodo.

Arrinta haka fiirin hal dhinac, ama Cajalka caalamiga ah ee la isku cabeeyo…..waan hubaa kuwo aan Qoraalka fiirineeyn ee Qofka Qoray kaliya fiirinayo in ey si kale wax u arki doonaan.
Aniga ha igu mashquulin ee Qoraalka Qiimeey. Dhibka lagu hayo Muslimiinta Anagana waa nalagu hayaa, Mar hore ayaa Somaliyana qaarkeen Masaajida cabsi uga carareen markii la isku dhax Dilay, Haddana Coronaa ku soo biiray.

FG: Cororo ma difaacyo ee Karaama dilka Muslimiinta iyo Karbaashka imaamka ayaan ka hadlayaa.

Qore: Yahya Amir

About Author