Post View....

Allow yaa tan ka sheekeeya , Xikmad aan ka bartay Oday aan Doon wada raacnay !!

0
72

Waxay aheeyd bishii sadexaad 1991 xili dalku uu ka biloowday dagaal sokeeye oo aan laysku aabe yeelayn qofwalba waxa uu u cararary meeshuu islahaa waad ku amaan heli doontaa.

Waxaan tagay magaalada kismaayo halkaasoo dad badani ka raaci jireen doonyo u safra dalka Kenya kuwaasoo ahaa kuwo loogu talagalay ineey qaadaan xamuulka markaanse isku badalay ineey baahida jirta awgood ay noqdaan gaadiid dadku isticmaalo.

Si aad boos uga hesho doomahaas waxaad u baahan tahay inaad haysato lacag 50 ilaa 100 doolar ah waa inaadna salaada subax aad iska xaadirisaa xeebta calanleey ee dhinaca kuhaysa dekada magaalada.

Hadaad nasiib leedahay waxaad noqonaysaa qof doontaas dusheeda cagaha la hela runtii waxaa ubadnaa dadka tahriibaya dhalinyaro dumar iyo caruur waxaana xasuusin mudan in dadkaasi ay isugu jireen soomaali weeyn oo markii dagaalku xamar ka biloowday cidna isir laguma takooreeyn ee intii daris aheed iyo asxaaba isku meel beey u qaxeen.

Xili ku aadan biloowgii bishii sadexaad ayaan waxaan kamid noqday doon rarkeeda la bilaabay waa barigii hase yeeshee ka shiraacatay xeebta kismaayo gabal dhicii waloow doonta ay saarnaayeen rakaabkii uu ubaahnaa mulkiilaha doontu hadana waxa uu intaas oo waqti ah nala sugayay in ay qoraxdu dhacdo sababa jira awgood.

Sababta ugu weeyn waxay aheeyd iyadoo ay doonyo ku gadoomeen xeebaha keenya kuwaasoo ay dadbadani ku nafwaayeen, intaa dabadeed ay dowlada Kenya go aansatay ineey xeebaheeda soo dhoobto ciidamo iyo maraakiib ilaaliya si aysan udhicin masiibooyin horleh.

Qoraxdu markay baalka galisay dhulka oo gabalkii dhacay ayaan ka shiraacanay xeebta kismaayo naaquudaha doonta waxa uu ahaa nin aad qibrad ugu leh dhinaca badmaaxnimada kalsooni badana isku qaba waxuu qorsheeystay in inta aanan kabixin biyaha xadka wadankeena uu doonta ujiheeyo badweeyn iyo meelaha ay maraakiibta waa weeyn ee xamuulka qaada ay maraan halkaasoo aysan ilaalada kenyaatigu ku tuhmayn inay gaari karaan doonyahaan macmilkaa ee qoryaha ka sameeysan.

Marnaba xisaabta kuma darsan in waxa uu wato ay tahay dooni qoryo iyo alwaax kasameeysan oo aan lahayn jiheeye haga ama qalab usheegi kara jawiga cimilada iyo hirarka waaweeyn ee ka dhex jira gudaha bada moolka weeyn tiiyoo uu ogyahay in markaan rakaabkiisu uusan aheeyn bagaashkii iyo caleentii uu Mombasa kasoo safrin jiray ee ay gudaha doonta ku rasaysan yihiin dad aan kayareeyn 250 qof.

Si kasta oo ay ahaataba waxa uu qaatay go,aankiisii waxa uuna noo jiheeyay badweeyn mudo sadex saacadood ahna hal jiho ayuu noo siiwaday,oo waxaa durbadiiba indhaheenu qabteen nalalka maraakiib waaweeyn oo kuwa xamuulkaa kuwaasoo jiray meel ay indhaheenu ka arki kareen dherarka iyo balaca aadka u weeyn ee qaab dhismoodkooda.

Waxay waxa walba is badaleen markii ay hirar waa weeyn naga hor yimaadeen oo ay garaaceen doontii yareeyd ee naaquudaheedu qaatay talada isaga ugoonida aheeyd kuna saleeysneeyd damaciisa ka baxsashada ilaalada xeebaha ee jaadkii faraha badnaa ee uu tan iyo saaka ruugayay oga soo dhexbaxday.

Waa mugdi doonta iyo dadka saran sharqan maleh oo qoraxdii aadka ukululeed oo aan tan iyo saaka taagneeyn baa tabartii naga dhameeysay,daruur baa qarisay xidigo uu noo sheegay inay u ahaayeen jiheeye uu ku tilmaansado xaga xeebtu ka jirto iyo dhanka wadanka aan u socono naga jiro ,taladu faraha ayeey ka baxday anaguse khabaar moog baan nahay meesha yare e laga wado doonta se waxaa ka socda xarbi culus iyo is canaanasho shaqaalaha dhexdoodaa oo arka qatarta nadul hoganaysa, waxaa gudaha noogu soogalay biyaha hirarka waa weeyn ee mararka qaarkood naga dulmarayay dalool yar oo meel u dhaw halka doontu afkeeda horena waa sii weeynaaday oo biyo ayaa kasoo butaacayay caagado ayaana looga daadinayay si aysan ubuuxsamin.

Markaan macquul maahan in badweeyn aan kusii nagaano oo aan daris la noqono maraakiibtaas sida quruxda badan umushaaxaysa biyahaas aan anagu cabsida ku dul sabeeynayno,waloow uu go,aansaday inuu soo kala wareejiyo doonta oo uu usoo celiyo dhinaca xeebta hadana waxay tala faraha kasii baxday markii ay shukaantii go-day oo ay doontii noqotay mid aan la xakameeyn karin iskana daba wareegtay tiiyoo ay usii dheertahay hirarkii iyo dharbaaxadii laakiin waxaan ogaaday in hadii qadarta ale kasakoow uu yahay naaquuduhu mid qibradleh ay wax walba badbaadi karaan.

Markuu arkay halka uu xaal marayo oo qaar shaqaalihiisa kamida ay quus taagan yihiin kuna hadaaqeen ineeysan rajo badan jiri ee ay dadku alwaaxyada doonta jabsadaan iskuna badbaadiyaan qofwalbana ilaah talo saarto,doontiina marba dhinac u wareegayso ayuu halmar si caro leh wuxuu ugu qayliyay isagoo xabad aan markaas u malaynayo ineey ka dhacday bistoolad in uu madaxa ka toogan doono qofkii qalqal galiya dadkaan maatidaa ee aan masuuliyadooda anigu qaaday.

Waxa uu ahaa nin adag wax kastooy kuqaadataba waxa uu ku guulaystay inuu shukaantii hagaajiyo xakameeyana dhaqdhaqaaqa doonta isagoo markaa afka u saaray haljiho oo uu qiyaasayay inay tahay ugu yaraan halka aan usoconay waagu haduu baryana ay sahlanaan doonto inuu kala ogaado, isagoona nagsoo jeediyay yoolkii weeynaa ee bada.

Nin oday ah oo agtayda fadhiyay oo aan markaas kuqiyaasayay ilaa lixdan jir ayaa inta waxaas oo masiiba dhacayeen oo aan quraan iyo allah bari aan kujirnay asagu waxa uu kucel celinayay oo aan anigu layaabanaa erayga ah ALLOOW YAA TAN MAR UUN KA SHEEKEEYA,ALLOOW YAA TAN MAR UUN KA SHEEKEEYA,ALLOOW YAA TAN MAR UUN KASHEEKEEYA.

Dhib iyo shido badan markii waagu noo baryay oo aan kala garanay bad iyo bari ayey naf nagu soo noqotay naaquudihiina waxa uu noogu bishaareeyay inaan hada joogno meel aan ka fogeeyn xeebta milindi halkaasna aan ka gali doono Kenya,waxaan waqti u helay inaan su,aashii aan layaabanaa ee hadalkii odoga aan weeydiiyo waxa uuna iisheegay ineey tahay duco oo hade hadii masiibo aad soomaratay aad ka sheekayso ogow ilaah waa kaa badbaadiyay oo markaas aad kasheekaynayso waad nooshahay  micnuhu waa ilaahoow masiibadaan naga badbaadi.

Hada soomaalideena kunool qaaradaha yurub iyo ameerka waxaan taaganahay cudurkaan halistaa ee CONVID19 ILAAHOOW YAA TAN MAR UUN KA SHEEKEEYA.  Cabsi welwel,iyo kala shaki iyo ayadoon la ogeeyn halka uu kudanbeeyn doono soo afjarida cudurkaan.

Waxaan ilaaheey ka baryaynaa inuu degdeg nooga dulqaado dhamaan dunidoo oo dhan saameeyntiisa ka suuliyo aamiin aamiin aamiin

W/Q Hassan Mahamuud

[email protected]

About Author