Post View....

Daawo:Booliska Oslo oo ugaarsanaayo Soomaalida Norway hal sabab darteed oo dunida kataagan

0
60

Sida ay daqiiqado kahor noo xaqiijiyeen booliska Oslo oo nala soo xiriiray, dad badan oo soomaali ah ayuu soo ritay xanuunka Corona-virus, halka qaarkood ay isbitaalka la jiifaan.

Sida ay boolisku noo xaqiijiyeen xanuunka ayaa aad ugu faafay xaafadaha ay soomaalidu ku badanyihiin ee Grønland iyo Tøyen ee bydelka Gamle Oslo.

Booliska Oslo iyo dhakhtarka guud ee xaafada Bydel gamle Gamle Oslo ayaa aad uga wel-welsan xaalada soomaalida iyo sida uu cudurkan ugu faafay xaafadaha ay soomaalidu ku badanyihiin. Waxeyna soomaalida ka codsanayaan inay qaataan talooyinka loo soo jeediyay.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=sOP7khPM5TY]

Booliska Oslo ayaa soomaalida ka codsanayo inay qaataan awaamiirta dowlada iyo dhakhaatiirta ee la xiriira ka hortaga cudurka, ayna macluumaadkaas isku sii gudbiyaan.

Booliska iyo dhakhtarka ayaa naga balanqaaday inay dib noogu soo gudbin doonaan macluumaad dheeri ah oo arintan ku saabsan. Wixii kusoo kordha, gadaal ayaan kasoo galin doonaa.

About Author