Post View....

Wararki ugu danbeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda oo Muqdisho isku rasaaseeyay

0
63

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federalka Somaliya ayaa isku rasaaseeyay Magaalada Muqdisho gudaheeda, gaar ahaan Nawaaxiga Koontaroolka Afarta Jartiin dhanka Degmada Boondheere.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii Ciidamo Militari ah ay rasaas ku soo fureen gaari nooca dadweynaha raacaan ee Homyda loo yaqaan, waxaana halkaasi ku soo dhaawacmay laba ruux oo ahaa dadkii saarnaa gaariga Caasiga.

Intaasi kadib Ciidamadii Militariga ahaa ayaa isku dayay xoog inay ku maraan Koontaroolka Afarta Jardiin, balse Ciidamada Booliska ee halkaasi jooga ayaa rasaas ku bilaabay Ciidanka.

Iska hor imaadka dhexmaray Booliska & Militariga ayaanan sababin wax Khasaare ah, balse waxaa baxsaday Ciidankii Militariga ee dhibaatada u gaystay dadka shacabka ah.

Ciidan ka socday Saldhiga Boondheere oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa dabagal ku haayo Ciidamada Militariga & meesha ay ka tirsan yihiin si loogu soo oogo dacwad ah dhibaatada shacabka u gaysteen.

Magaalada Muqdisho oo xilligaan ay ka jirto jaad la,aan maadaama duulimaadyada xaniban yihiin ayaa waxaa dhacda ciidamada inay iska rasaaseeyaan dadka shacabka ah.

 

About Author