Post View....

DEG DEG:Israsaaseyn Goordhow Ka Bilaawatay Magaalada Muqdisho & khasaaro jiira

0
98

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow waxaa ay Israsaaseyn daqiiqado kooban socotay ay ku dhexmarta agagaarka Isgoyska Afarta Darjiin dhinaca Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Israsaaseynta ayaa sigaar ah u dhexmartay Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda iyo kuwa Milateriga, waxaana ay timid kadib markii Ciidanka Milateriga oo ka yimid dhinaca Maanabiiliyo ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, sidaasina ay Israsaaseynta ku bilaabatay.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbahainta gudaha  ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in rasaasta ay Ciidanka Milateriga ku fureen gaadiid nooca dadweynaha raacan ee Homey-da uu dhaawac kasoo gaaray laba ruux oo shacab ah.

Intaas kadib Ciidanka Milateriga ayaa waxaa la tilmaamay in ay si xoog ku mareen Isgoyska afarta darjiin oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya, mana jiro wax Khasaaro ah oo labada dhinac soo kala gaaray.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer ay Israsaaseyn ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Booliska iyo Milateriga, waxaana ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

 

About Author