Post View....

Wararkii ugu danbeeyay Xiisad dagaal oo ka taagan duleedka Kismaayo & Jubbaland oo Ciidamo u dirtay

0
69

Wararka laga helayo gobolka Jubada Hoose  ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo deegaanka wada dagan.

Odayaasha iyo culimada deegaanka ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu aaso maydadka dhawr iyo toban qof oo ku dhintay dagaaladii shalay ka dhacay aaggaasi kuwaas oo yaalla halkii dirirtu ka dhacday sida uu sheegay mid kamid ah culimada magaalada ee wadahadallada ku lugta leh.

Inkasta oo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu aaso maydadka dadkii ku dhintay dagaaladii shalay ayaa haddana waxa dhinaca kale socda is uruursi ay sameynayaan kooxaha dagaalka ku lugta leh.

Dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeledyada ee ka dhacaya duleedka Kismaayo ayaa soo noqnoqday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, waxana horey u guuldareystay dhawr heshiis oo dhinacyada is haya la dhex dhigay.

 

About Author