Post View....

Uganda: Dhamaan xuduudaha waa la xiray si looga hortago Coronavirus.

0
62

Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in aan qofmna  loo oggolaan doonin in uu galo dalkeeda laga bilaabo 23-ka Maarso si looga  hortago in cudurka loo yaqaan “coronavirus” ku faafo  waddankaan ku yaal Bariga Afrika.

“Waxaan go’aansanay in aan ka mamnuucno dhammaan diyaaradaha rakaabka ee ka imaanaya dalka dibaddiisa in ay soo degaan garoomada diyaaradaha ee Uganda. Diyaaradaha xamuulka oo kaliya ayaa loo oggol yahay in ay ka soo dagaan kana baxaan Ugaandha, ”ayuu yiri Madaxweyne Yoweri Museveni oo khudbad ka siidaayay telefishanka NTV-Uganda.

Museveni waxa uu intaasi raaciyay in gargaarka iyo gurmadka deg-degga ah ee ay leeyihiin Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka loo ogolaan doono in ay ku dagaan garoomo loo cayimay.

Yugandha Allah naxariistiisa wali ma diiwaangelin hal kiis oo fayraskan argagaxa leh. Si kastaba ha noqotee, waa inaan si wanaagsan u habeynnaa istiraatiijiyadda aan ka hortageyno cadowgan (COVID-19), ”ayuu yiri.

Hogaamiyaha Uganda wuxuu kaloo amar ku bixiyay in aan loo ogolaan karin qof u dhashay dalka Uganda ama ajnabi ah in uu soo galo dalka gudahiisa ama dekedaha laga soo galo, marka laga reebo darawalada gawaarida xamuulka ah ee shaqaalahooda waajib tahay inaysan dhaafin seddex qof.

“Basaska, Tax-yada yaryar, gawaadhi khaas ah, ama tagaasida mootooyinka looma oggolaanayo in ay dalka soo galaan,” ayuu yidhi Museveni.

Uganda waxa ay xuduud la wadaagtaa wadama Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC), Tansaaniya, Koonfurta Suudaan, iyo Kenya. Qaar badan oo ka mid ah wadamaasi ayaa horey u soo sheegay kiisaska la xariira cudurka COVID-19.

 

About Author