Post View....

Vedio:Booliska Soomaaliya oo soo saarey digniin ku socota Ganacsatada & Hal ariin oo lo sheegay Ganacsatada

0
84

Shir Jaraa,id ee uu maanta qabtay Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ku saabsanaa digniin uu u diray Ganacsatada Soomaliyeed oo ah in aysan sara u qaadin maciishada Quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa,iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19.

Sidoo kale Taliyaha Hoggaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofka qaadan waayo digniinta ay u direen.

Hadalka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa waxaa uu kusoo aadey xilli dad badan ay walwal ka qabeen in maciisha kala duwan qiimahooda ay Ganacsatada kordhinayaan inta lagu guda jiro ka hortaga Caabuqa Coronavirus.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

#SNTV #Hoggaanka ilaalinta Canshuuraha

Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha General Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa uga digay ganacsatada in la kordhiyo qiimaha maciishadda iyadoo laga faa’iideysanayo hadal haynta Carona Virus.

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Sunday, March 22, 2020

About Author