Post View....

Dowladda Shiinaha oo sheegtay in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dalkeeda laga helin kiisas ku saabsan -19 ah.

0
62

Dowladda Shiinaha ayaa Axada Maanta ah ku dhawaaqday in Sadexdii maalmod ee la soo dhaafay dalkeeda laga helin Kiisas la xariira Caabuqa Coronavirus.

Guddiga Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in aan saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay laga helin dalkooda kiisas cusub oo  ku saabsan COVID-19.

41 kiis oo cusub oo la diiwaan galiyay Khamiista ayaa lagu ogaadey in ay dalkaas soo galiyeen rakaabka ka yimid dalka dibadiisa, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen gudiga oo sheegay in tirada kiisaska dibedda uga yimid ay kordheen 269.

Wuha, oo ahayd xuddunta cudurka ayaa u muuqata in laga sifeeyay cudurka, kadib markii gobolkaas lagusoo rogay karantiilkii ugu weynaa uguna ugu caansanaa taariikhda, iyadoo la xiray Warshadihii, la joojiyay Gaadiidka Dadweynaha dadkuna ay gudaha guryahooda ku nagaayeen tan iyo 23-dii bishii January ee sanadkaan.

Toddobo bukaan ah ayaa u dhintey tan iyo Jimcihii gudaha dalkaa. Tirada guud ee dhimashada China waa ilaa 3,255.

Xanuunkaan ayaa hada dhibaatada ugu weyn ku haya dalka Talyaaniga.

Ra’iisalwasaaraha dalka Talyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa sheegay in la xirayo dhammaan goobaha ganacsiga ee aan muhiimka ahayn oo ay warshaduhu ku jiraan, xilli waddankaasi uu la daalaa dhacayo xakamaynta faafitaanka cudurka safmarka ahi ee Coronavirus.

Balse Ra’iisalwasaare Conte waxa uu shacabka u xaqiijiyay in dukaamada, farmashiyeyaasha, baananka iyo adeegga boostada ay sii shaqeyn doonaan oo aan la xiri doonin.

Hawl-wadeenno caafimaad oo u dhashay dalka Cuba oo ka kooban dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa ku sii wajahan gobolka Lombardiya ee woqooyiga dalka Talyaaniga, si ay gacan u siiyaan khakhaatiirta la tacaalaya cudurka Coronavirus.

 

About Author