Post View....

Somaliland oo soo saartey Amar looga hortagayo Caabuqa Coronavirus & Magaalada hargeysa oo laga dareemay

0
65

Maamulka Somaliland ayaa Maanta oo Talaado ah soo saaray Go’aan Cusub oo ku socda dad isugu yimaada Madxafyada ku yaalla Magaalada Hargeysa iyo deegaanada oo ay maamulaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay  in la mamnuucay in dadka ay isugu yimaadan Madxafyada iyo Goobaha kale, si looga hortego Cudurka Coronavirus.

Waxaa uu sheegay Wasiir Maxamed Kaarin in laga bilaabo Maalinta Berri ah Magaalooyinka Somaliland ay geyn doonaan Ciidamo gaar ah, kuwaasi oo tallaabo sharci ah ka qaadi doona dadka ay ku arkaan iyaga oo isugu yimid hal Goob.

Tallaabadan ay qaaday Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa uu ku dooneysanaa inay ka hortegto faafida Caabuqa COVID-19 ee dunida fara ba’an ku haaya, isla markaana kiisaskii ugu horreeyay laga helay dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti.

 

About Author