Post View....

Aqriiso:Itoobiya oo soo saartey 7 Qodob oo looga hortagayo Coronavirus

0
61

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qatey dhamaan Hay’adaha Amniga dalkaas,kaas oo looga hadlayay sidii loo xakameyn lahaa Cudurka Coronavirus oo dhibaatooyin badan ku haaya Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa laga soo saarey 7 Qodob oo looga hortagayo Cudurka,kuwaas la farey laamaha Amniga iyo Shacbaka ku nool Itoobiya,qodobadaas oo kala ah.

1: In Hay’adaha ammaanka Itoobiya joojiyaan Shirarka dadka badan ay ka qeyb-galayaan si dadka aysan usugu soo dhawaan.

2: In xisbiyada siyaasada, laamaha dawliga ah ay hirgaliyaan ineysan dadku isku soo dhawaan hadii ay shirayaan.

3: In Shaqaalaha dowladda la socdaan xaaladooda,sidoo kalena qaarkood loo ogolaadey inay Guryahooda ku Shaqeeyaan.

4: In Gaadiidka dadweynaha aan loo raaci karin si ciriiri ah oo dadka ay ku badan yihiin aan loo raaci karin cidii lagu arkana ay tallaabo ka qaadaan booliiska taraafikada.

5.In Tallaabooyin laga qaado ganacsatada qiimaha ku kordhiya maciishada
6. In Warbaahinta ay wacyi galin u sameeyaan bulshada si looga hortago Caabuqa Coronavirus.

7.In Ciidamada Millateriga ay xiraan dhamaan Xaduudaha Itoobiya aysan soo gelin Gaadiidka marka laga reebo kuwa sida Maciishada iyo kuwa sida waxyaabaha daruuriga ah.

 

About Author