Post View....

“Waa in aan xakameynaa Soohdinta Soomaaliya Itoobiya si looga hortago COVID-19” Cali Rooba.

0
65

Guddoomiyaha Ismaamulka Soomaalida Mandheera ayaa ka hadlay walwalka dadka halkaa kunool ay ka qabaan caabuqa Coronavirus ee ku faafaya Caalamka dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Hay’adaha ammaanka waxa uu faray in ay qaadaan tallaabooyin laga xakameynayo deegaanada Soomaalida Kenya ee soohdinta Soomaaliya iyo Kenya xiga, si loo yareeyo walwalka Bulshada ay ka qabaan Coronavirus.

Cali Rooba oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Mandheera waxa uu dhaqaatiirka iyo kalkaaliyaasha kula dardaarmay in ay u istaagaan badbaadinta dadka ay kasoo jeedaan, maadaama COVID-19 uu si fudud ugu gudbi karo Bulshada ka caafimaad qabta.

“Agagaarka halka aan ka taliye ee Mandheera waa in diiradda si gaar ah loo saaraa ilaalinta caafimaadka Bulshada dareemeysa cabsida COVID-19, waa in aynu isugu geyno Xoog iyo xirfad si aan isaga caabbino, dadka waxaa iyanna laga rabaa in ay ka fogaadaan goobaha la isugu tago, kuna sugnaadaan Hoygooda” sidaasi waxaa yiri Cali Rooba Guddoomiyaha Mandheera.

Waxa uu adkeeyay in la joojiyo qaadka oo laga keenayo gudaha Kenya sabab la xiriirta ilma aragto (Germs) kusoo dhex dhuuman kara, sidaas awgeed waxa uu Booliiska faray in ay gacan adag ku qabtaan dadka sida dhuumaaleysiga ah deegaanka u geeya.

Golaha Wasiirada Kenya oo Axadii kulan ka yeeshay Xaaladda dalkaas waxa uu Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe sheegay in Xukuumadda Nairobi ay wajaheyso culeys ka dhashay faafidda Coronavirus oo sii kordhaya kiisaska dadka uu haleelayo maalinba maalinta ka dambeysa.

Guddiga caafimaadka deg deg ah ee Mandheera waxa ay sheegeen in ay ka warceliyeen wicitaano dad xiriir la sameeyay oo la wadaagaya cabsida ay ka qabaan Coronavirus, isla markaana ay siiyeen talooyinka loo arko in ay kahor tag u yihiin COVID-19.

 

About Author