Post View....

NISA oo gacanta ku dhigtay Shabakad Shabaab warqadaha u sameyn jirtay+Yaa Kamid ah ..

0
64

Ciidamada NISA ayaa gacanta waxa ay ku soo dhigeen Shabakad Al Shabaab u sameeya Documentiyo been abuur ah, kuwaasi oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

NISA ayaa waxa ay sheegtay xogo ay ka heleen shacabka Somaliyed in lagu soo ogaaday dadkaan warqadaha been abuurka u sameyn jiray Al Shabaab.

Raggaan ayaanan la sheegin rasmi ahaan meesha laga soo qabtay, balse wararka waxa ay sheegayaan in xubnahan laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha oo warqadaha Been abuurka ay ku sameyn jireen.

Raggaan oo Saddex nin ah ayaa waxaa gacanta ku haayo Nabad Suggida Somaliya, waxaana ay ku xiran yihiin godka Jilacow.

Al Shabaab ayaa dadka ku nool Magaalada Muqdisho waxa ay ku sameeyaan falal hanjabaad ah oo ku aadan inay u hoggaansamaan awaamiirtooda ama inay tallaabo ka qaadi doonaan.

 

About Author