Post View....

Ciidamada Danab oo burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Jubbada Hoose.

0
84

Kismaayo:-Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo iyo duqeymo is barbar socday oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee komaandooska xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab iyo diyaaradaha Mareykanka, iyadoo lala beegsaday saldhigyo maleeshiyaadka argagxisada ah ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Taliyaha ururka shanaad ee ciidamada Danab, Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) ayaa faah faahin ka bixiyey weeraradaasi lala beegsada kooxda Alqaacida ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed , wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen ilaa seddex saldhig oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyada argagixisada ah.

Taliye Xasan Ciraaqi ayaa tilmaamay in saldhigga koowaad ee cagta la mariyay uu ku yaallay tuulada Buulo Xaaji, halka kan labada ee kale ay argagxisada Al-Shabaab ku lahayeen tuulada lagta Caanoole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay gabi ahaan la wareegeen saldhigyadaasi, islamarkaana ay haatan ka wadaan baaritaano dheeraad ah si ay uga bixinayaan miinooyinka ay maleeshiyadu ku aaseen.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in howlgalkaan iyo duqeynta barbar socotay lagu burburiyey labo gaari oo kala ahaa Toyotoa Succeed iyo Suzuki oo uu tilmaamay in ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda nabadiidka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay ku jireen kuwa ajaaniib ah.

Ciidamada kumaandooska ah ee xoogga dalka ayaa maalmihii ugu dambeeyey xoojiyey dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeelada Hoose, si looga xureeyo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

About Author