Post View....

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo sheegay in Safaaraddu ay shaqada hakin doonto

0
68

Nairoobi:-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Safaaraddu ay shaqada hakin doonto muddo toddobaad ah oo ka billaabanaysa maalinta Talaadada, si looga fogaado faafidda cudurka COVID 19 ee uu keeno Corona Fayrus.

Safiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ugu baaqay in ay raacaan tilmaamaha ay dowladda Kenya bixisay ee looga fogaanayo cudurka.

Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan goobaha la isugu yimaado, iyadoo ku baaqday in shaqooyinka laga fasaxo dadka laga maarmo ama ay xaafadahooda ka soo shaqo tagaan.

Wadanka Kenya waxaa laga helay 17 qof oo qaba cudurka COVID 19.

About Author