Post View....

Ninkii Geed Tiriyay ee Yaaq ka Tagey Geeddo ma Tirin!!!

0
77

Boqolkii Qof ee Dadka Soomaaliyeed ugu saameynta badnaa ayaa maanta la shaaciyay, magacyada la soo bandhiggay ayaa waxa ay isugu jiraan Madaxweynayaal Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan, halgamayaal hore, Ganacsato, Fannaaniin, Wariyayaal & akhyaar kale oo u dhaq-dhaqaaqda Arimaha bulshada.

Inkasta oo Somali Magazine ay is xilqaantay ayaa haddana waxay ka tagtay qaar badan oo ka mid ah ruug caddayaashii Soomaaliya ugu saameynta badnaa laga soo bilaabo 1920 illaa 2020.

Ragga iyo Habalaha la hadal-hayo ee Liiskaasi laga waayay ayaa waxaa ka mid ah: Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Gen. Caydiid, Cali Mahdi, C/qaadir Zope, C/risaaq X. Xuseen, C/qaadir Yaxye, Faarax Zindiko, Macallin Saciid Saalax, Halgamaa Shiikh Axmed Gabyow, Prof Yaxye Caamir, Captain Culumo C/llaahi iyo dad kale oo muhiim ahaa!

Hubaashii hawsha Somali Magazine waa qabyo, intii ay Hay’addaas jecleystay ayay soo ururisay, sheekadeeduna waxay u ek tahay Nin Geed tiriyay oo Yaaq ka tagay Geeddo ma tirin!!!

WD:Shiikhaalow

About Author