Post View....

Wasaaradda Boostada oo ku ammaantay Shirkadda Hormuud ku-guuleysiga shahaado caalami ah.

0
52

Muqdisho:-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa ku ammaantay maamulka iyo shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku guuleysatay shahaadada hab maamul-wanaagga ee loo yaqaanno ISO 9001-2015.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, oo soo dhoweeyay guusha Hormuud, ayaa sheegay in tallaabadaan ay astaan u tahay in shirkadaha dalkeenu adeegyada ay bixiyaan ay waafaqsan yihiin halbeegyada caalamiga ah,wuxuuna intaa raaciyay in arrintaasi ay si gaar ah u taabaneysa maadaama Wasaaraddu ay dhiirri-gelineyso in shirkadaha isgaarsiinta dalka ay sii horumaraan, isla markaana tayeeyaan adeegyadooda.

“Farxad gaar ah ayay noo tahay in shirkad isgaarsiineed oo waddani ah ay qaadato shahaado noocan oo kale ah. Waa aqoonsi la siiyay dadaalka ay shirkaddu sameysay, innaguna waan ku bogaadineynaa. Waxaan rajeyneynaa in horumarka noocan oo kale ah la isaga dayan doono.”ayuu yiri Wasiirku.

Shahaadadan oo lagu siiyay shirkadda Hormuud bixinta adeegyada isgaarsiinta ee dhinaca codka iyo internet-ka waxay muujineysaa dadaalka ay shirkaddu ku bixisay sidii ay hawlaheeda u waafajin lahayd halbeegyada caalamiga ah ee lagu qiimeeyo adeegyada noocan oo kale ah.

Sharciga isgaarsiinta ee la saxiixay 2017-dii wuxuu shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed fursad u siinayaa sidii ay u nidaamin lahaayeen hawlahooda, iyadoo dhowaan Hay’adda Isgaarsiinta Qaranku ay billowday bixinta rukhsadihii (license) ugu horreeyay ee uu dalku yeesho oo ku saleysan sharciga, iyadoo rukhsadahaas ay noqon doonaan kuwo laga aqoonsan yahay dalka gudahiisa iyo dibeddiisa.

About Author