Post View....

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo Safar dhulka ah ku maray Wadooyin looga Go’ay Al-Shabaab si ay u ogaadaan Amniga.

0
77

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa kormeer amni ku sameeyay deegaano ka tirsan Hirshabeelle gaara ahaan gobolka Shabeellaha dhexe iyaga oo maray wadooyin inta badan looga go’ay weerarada Al-Shabaab.

Kormeerkaan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Qeybta 27aad iyo Taliyaha Booliiska Hirshabelle, Taliyaha gutada 3-aad, gudomiyaha gobolka hiiraan, Wasiir kuxigenka Amniga Gudomiyihii Hore ee G/Hiiraan, saraakiil iyo masuliyiin kale oo safar dhulka ah uga ambaxay Magalada muqdisho ayaa gaaray caasimada Dowlad goboleedka Hirshabelle ee jowhar.

Mas’uuliyiintaan ayaa safarkooda oo ahaa mid dhulka ah ku maray wadada Xiriirisa Balcad iyo Jowhar halkaas oo dhowr jeer weeraro gaadma ah iyo qaraxyo miino lagula eegtay masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo qaarkood ay ku geeriyoodeen iyaga oo sheegay in dhammaan deegaanadii ay soo mareen ay xaaladdooda amni ay hagaagsantahay.

Dhinaca kalana saraakiisha ciidamada ayaa ku ammaanay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Hirshabelle sida hufnaanta leh ee ay uga shaqeynayaan sugidda amniga deegaanadaas oo muhiim u ah isku socodka magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo ah caasimadda maamulak Hirshabeelle.

About Author