Post View....

100-ka Qof ee ugu Saameynta badan Aduunka. =100-ka Qof ee ugu Saameynta badan Somalia.=

0
70

A) Marka laga hadlayo saameynta Qof leeyahay waxaa looga jeedaa wanaag iyo xumaan ficiladiisii iyo Hadaladiisii, sida ey u saameeyeen Dadka kale.

Haddii aan fiirino Cabirka uu qaatay Michael H. Hart, Qoraagii Buuga Caanka ahaa ee ” the 100 a ranking of the most influential persons in History.” oo ah 100-ka Qof ee ugu Saameynta badan Aduunka, waxa uu Cabir ka dhigtay : Xaaladda Qofkaasi ku noolaa, duruufta saaciday ama ka hortimid, Saameeyn intee la eg ayeey ficiladiisii Aduunka ku reebeen, ma isageey la dhinteen mise waa sii jireen ?.

Mr.Michael oo ahaa Nin Mareykan ah oo bartay Cilmiga Astrophysics, Aaminsanaan fikirka goosashada oo ah in Mareykanka loo qeybiyo 4 state: white state, black state, Hispanic state iyo Mixed-Race state.

waxa uu soo xulay 100-ka Qof ee Dunida ugu Saameynta badan, sida ey u kala saameyn badnaaayeen ayuna u kala hor mariyay.

waxa uu ugu Hormariyay Nabi Moxamed CSW, Michael ma aheyn Nin Muslim ah, waxa uu ka fiiriyay isaga oo leh waxa uu ahaa Agoon ku koray Nolol adag, ma aheyn Reer Boqor, mid wax qora ama Aqriya, Risaaladiisiina waxa ey Beni aadamka ku yeelatay saameynta ugu badan Taariikhda Dadka.

Siduu u kala hor mariyay 100kaa, Halkaan kuma soo koobi karno, aan ka soo qaadano qaar iyo kaalinta ey ka galeen. No.1: Nabi Mohamed CSW. No.2: Isaac Newton. No.3: Nabi Ciise CS.No.4: Buddha. No.5: Confucius China. No.10: Albert Einstein. No. 15: Nabi Muse CS. No.27: Karl Marx. No.30: Adam Smith. No.33 Alexander the great -dul qarneyn. No.35: Thomas Edison, Ninkii korontada Alifay. No.39: Adolf Hitler. No.42. Alexander Graham Bell ,NinkiI telephone-ka hindisay. No.52: Sayid Cumar Bin khitaab, Khaliifkii Islaamka ee Xisaabaadka accounting iyo Hantidhowrka laga bartay. No.66: Joseph Stalin. No.83: Mani ,Iran. No.84 Lenin, Russia. No.86 Vasco da gama. No.94: Queen Elizabeth. No.95: Mikhail Gorbachev. No.96: Menes, Masaari. No.100: Mahavira. ( F.S: 1&2aad)

ilaa hadda inta la ogyahay waa Buuga loogu kalsoon yahay sida uu u qiimeeyay, Mar dambe ayaa waxaa soo baxay Buugag ku dayasho iyo fallaad ah oo xaaskii Obama iyo Gabdho Timaha qurxiyo lagu soo qoray. (F.S: 3 & 4aad)

B) waxaa iigu yaab badneed maanta markii aan arkay qoraal ah 100ka Somalida ugu Saameynta badan, ma xumo laakin waxa aanan fahmin, sida lagu soo xulay iyo waxa ey qabteen ee qarniyaal kadib saameynta ku leh somaliya, Aragti ahaan waxa ey iigu muuqataa haddii si sax ah loo soo xuli lahaa in liiska ey ku hari laheyd 10 kaliya ama ka yar.(F.S: 5aad)

Dad badan ayaa u arko in aan si Aqoon ku saleeysan aan loo soo xulin, ee si ah waxa ey ila tahay loo xulay.

waxaan sugeeynaa Buugaagta dambe ee Dadka qaar ey 100ka Somalida ugu saameynta badan ku soo dari doonaan: Maama Malyuun, Cabdi uus, Cigaal Shidaad Saalax liif, Biibaaye,iyo kuwa kale.

Qiimeeynta iyo Saameeynta Taariikheed oo ey lahaayeen Shakhsiyaadka Somalida Qaar, si sax ah, ha loo soo xulo hana la sababeeyo. Kala garo sax iyo khalad (F.S: 6 &7aad)

FG: Arragtidaada xur ayaad u tahay wixii aan ka khalday ka sax.

Qore: Yahya Amir

About Author