Post View....

RW. Kheyre oo ka hadlay heerarkii uu soo maray qorshaha deyn Cafinta Dalka.

0
60

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay shir jiraa’iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo wejiyadii kala duwanaa ee ay soo martay.

Waxa uu sheegay in jid dheer loosoo maray qorshaha deyn cafinta iyo qodobo gaaraya 90-shuruudood ooh or yiilay Soomaaliya si looga cafiyo deynta lagu leeyahaya taas uu sheegay in ay ka gudbeed dalkuna uu u jaheystay dhinaca horumarka mar hadii laga cafiyay intii badneyd ee deynta.

Dhinaca kalana waxa uu tilmaamay in qorshahaan ay kala shaqeeyeen xukuumadda Ganacsatada Soomaaliyeed ooo bixiyay canshuur badan si hay’adaha caalamku ay u soo jiitaan Soomaaliya una yeelato Miisaaniyad fadhida oo horsiidi karta in lagu kalsoonaado arrimaha maaliyadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in hay’adaha dhaqaa;aha oo dhan ay isku raaceen deyn cafinta dalka wadamada kale ee go’aanka ku lehna ay goordhow gaari doonaan go’aankooda cafinta deynta ay ku leeyihiin dalka.

Dhanka kale RW Khayre wuxuu cadeeyay in Soomaaliya aysan laheyn Miisaanid fadhida islamarkaana ay ka shaqeysay Xukuumaddu in la helo Miisaanid lagu maareeyo dalka kuna guuleysteen isaga oo intaas sii raaciyay in ay si joogta ah u bixiyaan Mushaarka shaqaalaha dowladda

About Author