Post View....

Mahad Salaad oo sheegay in Farmaajo uu ka dambeeyo ciidamada la geeyey guriga Sheekh Shariif

0
59

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu isaga ka dambeeyo Ciidamada habeenadaan tagayey guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay inay tahay dhiilo coleedeed oo laga dhex abuurayo bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata arrintaas uu qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu hadalka u dhigay.

” Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo!” Ayuu yiri Hon. Mahad Salad.

Hadlaka kasoo yeeray Xildhibaan Mahad Salaad ayaa imaanayo kadib markii habeen hore ciidamada booliska gaarka ah ay Haramcad ku roondeeyeen laba wado oo hore iyo gadaal ka marta guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku yaala agagaarka Airport-ka Muqdisho, sida ay xubno ku dhow Shariifka u sheegeen Warbaahinta

Ku dhawaad saacad kadib marki ay ciidamada joogeyn nawaaxiga guriga Sheekh Shariif waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya kuwaas oo tagay meel u dhaw guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in ay ahaayeen ciidan arrintaan ku soo baxay.

Ciidankaan ayaa ka tirsan milateriga Soomaaliya basle waa ciidan aaminsan in ay waajib ku tahay difaaca Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo ay sheegeen in ay daan-daansi u heyso dowladda Soomaaliya iyo in uusan mudneen habka ay kula dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Milateriga ah oo beelo kala-duwan ka soo jeeda ayaa ka soo dagay gawaari ay wateen, waxayna fariisteen meelo kala-duwan oo guriga laga galo lagana soo baxo,  waxayna qaarkood ay dhowr-jeer hormareen ciidanka Haramacad, arintaas oo dhalisay baqdin xoog leh iyo cabsi laga qabo in uu dagaal si fudud ku qarxo.

Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeen hore markii uu qal-qalkaan dhacayay gurigiisa ku qaabilayay Imaamka Abgaal iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Mudulood iyo siyaasiin kale lamana oga sababta ka dambeysa dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Haramcad ka sameysay nawaaxiga guriga Sheekh Shariif.

Wali dowladda Soomaaliya iyo Xisbiga Himilo Qaran kama aysan hadlin arintaan balse waxaa aad looga hadal hayaa magaalada Muqdisho iyadoo meelaha qaar ay dhaceen kulamo arrintaan looga hadlayo.

 

About Author