Post View....

Madaxweynaha Galmudug oo wada-hadallo la galaya hoggaankii Ahlusunna+Ogaaw qodobada ay ka hadlayaan

0
67

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa Maanta oo talaado ah waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirkii hore ee Arimaha Guddaha Soomaaliya C/Samad Macalin Maxamuud oo ah xubin si aad ah ugu dhow Ururkii Ahlusunna,isla markaana uu dhalay hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir hore Cabdi Samad oo Maanta gaarey dhuusamareeb ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii hoggaanka Ahlusunna uga qyeb-geli lahaayeen Munaasabada Caleema-saarka Qoor Qoor si loo dhameeyo tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusunna.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa markii la doortey waxaa uu sheegay in cid walba oo tabasho qabta uu guryahooda ugu tegi doona si loo yagleelo Galmudug ka badalan tii Afartii sano ee hore.

Sidoo kale Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo soca la filayo in qaar kamid Musharaxiintii mucaarad sanaa Doorashadii Galmudug ka dhacdey , gaar ahaan musharax Kamaal Guutaale oo ka mid ahaan Xubnihii diiday ka qayb galka doorashada inkastoo uu aqbaley Doorashada Madaxweyne QoorQoor.

 

About Author