Post View....

Dood ka taagan sidii loo aasi lahaa dadka u geeriyooda cudurka Coronaha Sweden

0
80


Shalay maalin madow bay u ahayd Soomaalida ku nool dalka sweden, 15 qof oo geeriyootay lix kamid ah baa Soomaali ahayd, shan kamid ah marxuuminta waxaay ku geeriyoodeen nawaaxiga degaanka Järva, kan lixaadna wuxuu ku geeriyooday degmada Järfälla.

Wargaysyada dalka Sweden kasoo baxa waxaay ku sababeeyeen dhimashada sida aadka ah u sareeysa ee qowmiyadda soomaaliyeed in aay ku qotonto dhaqanka soomaalida oo ah in lasoo booqdo qofka jiran iyo iyadoo Soomaalida aaynan si fiican uga dhaadhicin fartiimihii digniinta ahaa oo loo dirayey dadweeynaha ku nool dalka Sweden.

Arinkale oo dood ahi waxaay ka taagan tahay sidii loo aasi lahaa dadka u geeriyooda cudurka Coronaha iyadoo takhaatiirta qaarkood aay ku taliyeen in lagu sameeyo meeydka wax la yiraahdo ”cremation” oo ah in maydka la foorneeyo lagana dhigo dambas, hasayeeshe waxaa aakhirkii la isla qiray in aanay soojeedintaas marnaba yeelayn Muslimiinta iyo Yuhudda, waxaase beddelkedii la isku raacay in aaska maydka la dedejiyo oo aan sidii dhici jirtay muddo dheer lagu hayn qaboojiyayaasha.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii laga geeriyooday waxaana marxuumiintii oo dhan ilaahay uga baryeeynaa in uu u naxariisto ,jannatul fardowsana ugu bishaareeyo ….aamiin

Abdullahi Sheekh Hussein Hantiwadaag

About Author