Post View....

MADAXWEYNE DANI OO CARQALADAYNAYA XIRIIRKA IYO ISFAHANKA DAWLADA DHEXE IYO DAWLADAHA XUBNAHA KA AH QASNA GALINAYA HANAANKII DOORASHADA DALKA 2020

0
62

Waayadan danbe waxaa isa sootaraya oo soo ifbaxaya dhagaraha qarsoon,iyo hagardaamaynta ay madaxda Puntland ku hayso in soomaaliya ay u dareerto doorasho xor iyo xalaal ah sanadkan 2020-2021. Doorashadan oo dawlada soomaaliyeed u balan qaaday shacabkeeda in ay siinayaan fursad ay si xor ah codkooda uugu dooranayaan ciday doonaan ee xubin baarlamaan noqonaysa. Mudo dheer dadka soomaaliyeed ma aysan helin madax ku hogaamisa sinaan iyo cadaalad iyo nidaamka dimuqraadiyada ah ee dadku xor yihiin dawladaan kahor kontomeeyo sanadood. Arinkan shacbka loo soocelinaayo awoodoodii doorasho ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay shacabka soomaaliyeed dal iyo dibadba.
Dawlada Soomaaliya ee maanta jirtaa,waxay dalka ku hogaamisay,wado wanaagsan iyadoo tusisay shacabka soomaaliyeed wax muuqda dhan walboo laga eego. waxaan marqaati kanahay in ay dhistay,hanaankii maaliyadeed oo keenay in daymankii dalkeena laga cafiyo,duniduna inoo soo istaagto markii laynaga arkay aqoon iyo xirfad iyo aaminimo wada socota. Markii dawladeena laga arkay wadaniyad iyo isku duubni iyo waxqabad dhab ah ayaa aduunkii inoo soo istaagay oo la dareemay in aynu nahay dad aamin ah oo dawlad ah.
Dadkii siyaasada ku guul daraystay ee dalkeena la haray,dhab ahaana ah dad hunguri qaaday,oo aan lahayn siyaasad iyo garasho dhab ahaan dal lagu hogaamiyo,ee qawlaysatada ahaa una adeegaayay dawladaha shisheeye,oo hada soomaalidu wada fahan santahay ayaa wali isku dayaaya in ay hor istaagan hanaanka dawladnimo ee hana qaaday ee soomaaliyeed. Hadaan tusaale usoo qaadano,Madaxweynaha Puntland oo ah mid guul daraystay oo aan cod helin xiligii uu soomaali ka doonay codka isagoo rabay in madxweyne soomaaliyeed uu noqdo,ayaa qaba cuqdad guuladaradaas sanadkii 2017 haleeshay.
Dani waxa uu fidno iyo kala irdhayn dhex dhigay dawlada fadaraalka ah iyo maamul goboleedyadii xubnaha ka ahaa dawlada fadaraalka ah,isagoo hadafkiisu yahay in uuburburiyo dawlada hada jirta,uugu yaraana qas galiyo oo qash qashaado hanaanka iyo geedi socodka iyo israaca umada soomaaliyeed ee kasoo kabanaysa dawlad la aanta mudada dheer. sabab cad ayuu u yahay dibad jooga axmed madoobe kadib markuu fidno dhex dhigay dawlada fadaraalka iyo Jubaland oo hore u lahaa xiriir fiican bilawgii. waxaa kale oo uu ku galaan gashay hirshabeele oo ku fahantay  dhagartaa kana gaabsatay,halka koonfurgalbeed ka digtoonaatay in laga horyimaado dawlada dhexe ee fadaraalka soomaaliyeed.balse dhanka kale ay tahay in lalashaqeeyo sida sharciguba yahay.
Waa arin danbi ah in rabshado iyo fidno laga dhex abuuro dawlada dhexe ee fadaraalka iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah,taasoo hadii la xumeeyo keeni karaysa burbur iyo dib u dhac ku yimaada shaqadii ay dawlada dhexe u haysay dalka iyo dadka soomaaliyeed ee ahaa isu keenka,dib u heshiisiinta iyo midaynta dadka soomaaliyeed.si dalka soomaaliya u helo nidaam iyo kala danbayn iyo dawalad hanata dalkoo dhan,sugtana xuduudaha dalkeena. ka hor imaanshaha geedi socodka dawaladnimo ee dalkeena maha mid loogu dulqaadan doono intaa kabadan cidna.
Madaxweyne Dani Waxa uu abuurayaa arimo halis ku ah in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo awoodii dadka shacabka ah loo sooceliyo.waxaana cadayn u ah rabsho galinta nidaamka doorasho ee ay soomaaliya qaadatay layskuna wada raacay ee ay labada aqal oo Puntland kamid tahay iyo madaxweynuhuba sixiixeen,markii mudo laga baarandagay. hawshaa laga soo gudbay ee ah in loo dareero doorashadii,dadka iyo dalka soomaaliyana ay gaareen ayuu isku dayayaa in uu burburiyo waxa umadaas oo dhami isku raacday,kana dhigo mid u dhigan sida uu isagu rabo oo dantiisa uu ka arko oo kaliya.
Wuuna ogyahay in hawshaas laga soo gudbay,balse waa rabsho abuur iyo curyaamin soomaaliya oo hesha xasilooni iyo nabad,wuxuu hor istaagayaa in shaqo la qabto horana loo socdo,waxaa xusid mudan in uusan Puntland oo uu ku helay habka dhaxalka jifaysan  uusan waxba ka qaban,danta guud balse uu xoogaagii khasnada ku jiray gacanta mariyay. dalka soomaaliya uma baahna maanta nin isbaaro u dhigta oo hor istaaga,Dani waa fidno halis ku ah wada jirka soomaaliya iyo dalku in uu dhibka kabaxo ah dawlad la aanta.
Dani waxa uu buuq galinayaa shaqada dawlada dhexe ee fadaraalka ah,isagoo faraha kula jira doorkii ay lahayd dawlada dhexe ee fadaraalku had iyo jeer. waxa uuna iska dhig dhigayaa sidii isagoo ah dawldii dhexe ee maamul goboleedyadu hoos imanaayeen,waxa uuna mararka qaarkood ka dhigayaa dawladii dhexe ee fadaraalka soomaaliyeed dawlad goboleed yaroo hoos timaada Puntland!! Arimahaas oo dhamina waa danbi uu kagalaayo dadka iyo dalka soomaaliyeed iyo hanaanka hana qaaday ee dawladnimo iyo tubta toosan ee doorasho ee inagu soo foole 2020 ee soomaali isku raacday.
 
Waxaan marnaba laga gaabin doonin,hormarka amaanka kala danbaynta iyo wadada loo jeexay ee lagu hogaaminaayo dalka soomaaliya oo ah nabad iyo nolol ay helaan shacabka soomaaliyeed.Cidkastoo Qaranka soomaaliyeed ka shaqaysa lugayntiisa iyo curyaamintiisa sharcigaan horkeenaynaa,ninkii iyo cidii ay ku cadaato qiyaano qarana waa tiirka sida sharcigu qabo udagan soomaaliya.