Post View....

Ciyaaryahan hore ee xulka Qaranka Somalia oo u geeriyoodey Coronavirus+Magaca

0
93

Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa Maanta ku geeriyoodey Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq),kaas oo siweyn looga yaqaaney Soomaaliya iyo Caalamka.

Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu la xanuunsanayey Cudurka Coronavirus oo dad badan ay u dhinteen,isla markaana ugu dambeyn uu ku geeritoodey Isbitaal ku yaalla Magalada london.

Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) ayaa Bilihii u dambeeyey waxaa uu ahaa falanqeeye Kubadda Cagta ah,isaga oo qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ka falanqeyn jirey Ciyaaraha.

Dad u badan mas’uuliyiin ayaa ka tacsiyadeyey geerida Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq).

 

About Author