Post View....

Dowlada Soomaaliya oo garoonka Aadan Cadde ku gubtay Jaad laga keenay Itoobiya.

0
59

Wasaaradda Gadiidka Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gubtay Jaad la isku dayey in si qaldan lagu soo geliyo dalka , Jaadka la gubay ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gadiidka XFS Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa Sheegay in ay gubeen Jaad si qaldan oo dhuumaalaysi ah loo soo geliyey Dalka.

Wasiirka ayaa xusay in jaadkan la isku dayey in lagu soo dhax qariyo Fasixii dulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka.

Horay ayey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u xaqiijisay in fasaxa labada maalin ah aan la ogoleyn in lasoo dajiyo Xamuul aan ahayn Raashin iyo Dawo , iyadoo sidoo kale xustay in la karantiili doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka imaanayo dalalka uu saameeyey Caabuqa Convid19.

Qabashada Jaadkaan ayaa sidoo kale ku soo aaday iyada oo xalay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya doomo laga soo galiyay jaad laga keenay dalka Kenya,kaas oo isaga oo qaali ah lagu kala iibsanayo suuqyada Magaaladda Muqdisho.

Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa dhankeeda doomo lagu keenay qaad ka yimid dalka Kenya.

Waqooyiga Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa gaarida xamuulka lagu geeyay jaad kaas oo laga gaarsiiyay ilaa Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

 

About Author