Post View....

Koonfur Galbeed Oo Bilowday Baarista Cudurka Coronovirus & Dhaqaatiir Caafimaad oo la geeyay Airporka

0
59

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Garoonka diyaaradaha Baydhabo ka bilaabay baaritaanka Cudurka Coronovirus, si looga hortego Cudurkaas oo dunida kusii faafaya.

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa Garoonka diyaaradaha geysay dhaqaatiir Caafimaadka, kuwaasi oo baaritaano ku aadan Coronovirus ku sameeynayay dadka kasoo degaya Garoonka Shaati Gaduud international Airport ere Baydhabo

Sawirro laga soo qaaday dad kasoo degayay Garoonka Shaati Gaduud ayaa muujinayay sida loogu sameeynay baaritaanka, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay inay ka hortegayaan Cudurka Coronovirus.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in qof qaba Coronovirus laga helay Muqdisho, kaasi oo ka yimid dalka dibadiisa, isla markaana dowladda ay karantiishay.

 

About Author