Post View....

Dr. Cabdiraxman Xoogsade, muxuu ka yiri: Waa maxay Corona virus?

0
80

Waa nooc ka mid ah viruska oo leh qaabka koofida boqorada ay xirtaan (Crown), viruskan wuxuu qeyb ka yahay noocyo virisyo ah oo keena hergebka aan naqaano iyo xanuun daran oo waxyeeleeya hawo mareenada (respiratory track). Virusku waa noole aysan isheenu qaban karin, laakiin lagu arki karo electromicrosocope. Waxaa xanuunkan hada faafaya la ogaadey 29 december 2019. Waa nooc cusub oo aan hore loo oqoon 2019- nCoV (novel corona virus) oo waxyeeleeya hawamareenada.

Waa RNA Virus, taasoo loola jeedo in geniska viruskan ka kooban uu yahay hal xarig oo teedsan ilaa iyo inta u dhexeysa 26000 ilaa 32000 bases oo ah 4 tan magac Adenine,Guanine, Cytosine, Uracil e, Sadex (3) walba oo ka tirsan 4tan magac waxay u taagan yihiin protein viruska uu sameesanayo oo eh shaqo qaas ah, marka hadii isku xigooda uu isbedelo, waxaa isbedelaya proteiniska uu virusku sameysto sida Corona viriskan cusub dhacday oo ah in uu markii hore ahaa S type keliya, balse isbedelka ku yimid uu keenay in uu noqdo S type iyo L type. Peiking University,s School of life Sciences iyo Institude Pasteuer of Shanghai waxay ku ogaadeen baaritaano ay sameeyeen in ay jiraan labadan nooc.

L type waa nooca aad khatarta u leh ee lakala qaado si fudud, waxaana laga helay 70 boqolkiiba dadka ku nool magaalooyinka uu ka dilaacay ee shiinaha, viruskan waxuu ku leeyahay dusha sare protein spikes oo ah fure u furaya proteins kale oo ku yaala dusha sambabka loona yaqaano ACE-2 receptors. Marka viruska uu qabsado ACE-2 receptots wuxuu dhexgalaa unugyada sambabada halkaasoo uu la wareego kontorolka shaqada unuga wuxuuna ku tarmaa unuga si fara badan (multiply), kedibna wuxuu u soo baxaa dibada unuga oo wuxuu weeraraa unugyada kale ee sambabada isagoo infection ku dhaliya oo burburiya, qofka qaada cudurkaan wuxuu u geeriyoodaa waxa loo yaqaano Septic shock oo ah in marka xubnaha uu neefta ka qaato ay shaqeyn waayaan oxgena aysan gaarin xubnaha kale ee jirka sida maskaxda, kelyaha, beerka ay dhintaan. Respiratory failure and septic shock waa labada sabab ee keenta geerida cudurkan.
Ilaa 35 laboratories iyo hayado caafimaad oo caan ah ayaa waxaa ay hada ka shaqeynayaan soo saarida talaal ugu horeyn dhaqan galaya ilaa 2021 inshaa allah.

Waxaan ilaah ka baryeynaa in uu ilaah naga badbaadiyo cudurkan iyo kuwa kale ee aanan aqoonin ilaah ayaa weli u ah kuwa alla kacabsada oo keligii caabuda iyaga oo ku cibaadeysanaya wixii uu rasuulka (Csw) sharafta badan la yimid oo keli ah.

Naadafada gacamahaaga ku dadaal iyo inaad ka fogaato meelaha la isugu soo ururo sida garoomada ciyaaraha, baararka ka ilaali in aad ku hindhisto dadaka dhexdooda ama qufacdo, ku qabo masar ama xir mask afkaaga si aadan cudurka u faafin.

WQ: Dr Abdirahman Ahmed Mohamed (Xoogsade).

Medical and health.

About Author