Post View....

Waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Maaliyadda!!!=Deyntii weli lama Cafin, Norwayna Lacagteedii wey Ceshatay=

0
77

Maanta-19/3/2020, waxaa Shir nagu casuumay, Guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo la Xisaabtanka Hayadaha Dowladda ee Golaha Shacabka iyo Xubno ka tirsan Labada Gole, waxaana xarunta Shirka noo fududeeyay Haydada USAID, Hotel Jazeera. Waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Maaliyadda iyo illaa 30 Aqoonyahan.

Shirku waxa uu ku saabsanaa Arrimaha Deyn Cafinta. Waxaa na loo sheegay in Madaxdii Sare ee wasaaradu ey Daqiiqadihii u dambeeyay ka cudur daarteen, waxaa kale oo Ajandaha ku qornaa in ey imaanayaan xubno ka socdo “Waaxda Deyn Cafinta” ee Wasaaradda iyana ma imaan, waxaase matalayay Sarkaal sare oo ka socday Wasaaradda oo Aqoon u lahaa Arrimaha Deyn Cafinta .

Sida Qofkasta oo Somali ah, waxaan jecelnahay in Deynta nalaga Cafiyo, ama aan iska bixino, waxaanse Dooneynay in aan ogaano, ma la bixiyay? Sidee loo bixiyay? Maxaa dhibaato ah oo ka imaan karo Heshiiska.

Dood dheer iyo Ogaal is weeydaarsi kadib, waxaa la isla ogaaday Madaxdiina nagu Qanceyeen sida wax u jiraan, taa oo ah wixii aan dooneynay, waana uga mahadcelinayaa.

Waxaan isla fahamnay oo naloo cadeeyay:

1-Weli ma jirto Deyn la cafiyay, Waxaan saaranahay Miiska ,Rajo ayaana jirto.

2-Shuruudihii Imtixaanka ahaa ayaan Qaar ka soo buuxinay.

3-Annaga oo aan Amaah qaadaneyn, in naloola dhaqmo sida Dad amaah Qaadan karo oo kale.

4- Farsama ahaan sida wax u socdaan Annaga ku awreernay, markii aan la kulanay hayada Lacagta Aduunka IMF.

5-Deyntii ey Norway Naga Bixisay, 6 Saac oo kaliya kadib ayey Lacagteedii Dib u ceshatay. Waxaa looga dan lahaa oo kaliya in “Balance sheet-ka” lagu xiro, oo Lacagteedii Dib ayeeyna u ceshatay,oo hadda wax naguma lehan Norway “ Igu sawir igana noqso”.

6- Tan Norway waa nagu filnaa weyday,wadamo kale ayaa bixiyay oo isla markiiba Ceshaday, Deyntii nalagu lahaana waa sideedii. Waxaa jira Nidaam la yiraa “Deyn kala Gadasho”, oo ah in Deyntii laguugu lahaa ey cid kale Gadato oo ey iyadu kugu lahaato.

7-Waxa laga hadlayay waa “Culeeyski Maaliyadeed” ee Deymaha koray, ee Deyntii Asalka aheyd ee nalagu lahaa waa sideedii.

8- Codsi kale oo ahaa hanalaga cafiyo, Wadamada qaar ayaa Siyaasadeeyay.

9-Go’aan ayaa nalaga gaarayaa Bishan March 25 keeda , kadibna Hayado aan xubin ka nahay oo Lacag teenu ey taalo ayaa Mucaawino na siin doono.

10- Haddii aan ku guuleysano Hore ayaan u soconeeynaa, Hadaan lagu guuleysanna dib ayaan u dheceeynaa. Noo soo Duceeya.

Intaa ayaa ugu Muhim sanaa wixii aan isla fahamnay.
Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxdii Maaliyada iyo Xildhibaanadii sida saraaxadda leh oo ey noogu cadeeyeen meesha ey wax marayaan.

Waxaan kula ballanay Masuuliyiinta: in ey dadaalkooda sii wadaan eyna naga ilaaliyaan Heshiis Beri dhib noo keeni karo, iyo in ey shacabka la socodsiiyaan meesha ey wax marayaan haddi la weydiiyo, Runtana laga sheego Deynaha iyo Howlaha kale ee Ummadda loo hayo. Xoolaha Ummadda ka dhexeeyo in lagu xisaabtamo, xumaan ma ahan ee waa xal raadis.

Weyna ku wada mahadsanyihiin intii nagala soo qeyb gashay, intii noo soo abaabushay iyo Wasaaradda Maaliyadda.

FG: Adinkuna Nala wadaaga Arragtidiina, waa wax naga wada dhexeeyo Xaqna aan u wada leenahay in aan wax ka ogaano.

Qore: Yahya Amir

About Author