Waxaa sii kordhey khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay deegaano ku yaalla Galbeedka magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka oo u dhaxeeyey laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu ka dhacay deegaannada Fuumo, Kooyaamo iyo Jiroole,waxaana maleeshiyaadka dagaalamaey ay isku heystaan dhul daaqsin ah oo ku yaalla deegaannadaas.
Inta la xaqiijiyey dagaalka ayaa waxaa ku geeriyoodey 14 Ruux halka ku dhowaad Shan Ruux ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo u badan Maleeshiyaadkii dagaalamey,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Dagaalada ka dhacay deegaannada Galbeedka uga aadan Magaalada Kismaayo ayaa ah kuwo soo laab laabtey saddexdii sano ee la soo dhaafay,iyada oo ay fashilmeen iskudayo la doonayay in lagu xaliyo oo ay si kala gooni gooni ah u sameeyeen Maamulka Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab.
Sanoter Iftiin Xasan Baasto oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare kana soo jeeda deegaannada lagu dagaalamay ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay wax walba miiska wada-hadalka ku dhameeyaan.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaannada lagu dagaalamey ee Galbeedka Kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi laga dareemayo deganaansho aan caga badan ku taagneeyn maadama ay weli ishor-fadhiyaan maleeshiyadkii dagaalamey.