Post View....

Jubbaland Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Ka Dhacay Garoowe…

0
60

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si kulul u Cambaareysay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa waxaa tacsi loogu diray guud ahaan Shacabka iyo  Maamulka Puntaland geerida ku timid Allha u naxriistee Gudoomiyahii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaam Xasan Hirsi.

Sidoo kale Qoraalka Jubbaland ayaa waxaa si gaar ah tacsi loogu diray Ehelada, qaraabada iyo Asxaabtii ee uu ka baxay Guddoomiye Cabdisalaam Xasan Hirsi oo u geeriyooday dhaawac Culus oo kasoo gaaray qarax lala eegtay.

Ugu dambeyntii Jubbaland ayaa Caafimaad Deg deg ah u rajeysay inuu Alle siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaas oo uu kamid ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal Faarax Galan-gooli iyo dad shacab ah oo goobta ka Agdhawaa.

 

About Author